Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo sheegay tiradii ugu badneyd Shabaab inay isku soo dhiibeen Ciidanka

0

 

 

 

 

 

 

 

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe, ayaa sheegay tiradii ugu badneyn ee Shabaab ka tirsanaa inay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda maalmihii dambe.

Taliye Indha Qarshe oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay khasaaraha gaaray Shabaab inay sabab u tahay sida uu yiri inay isa soo dhiibeen oo ay garowsadeen dhalinyarada inay ka soo baxaan Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliye Indha Qarshe illaa 30 xubnood oo Shabaab ka tirsan in Ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo wali aanan loo gudbin Hay’addaha baarista ee dowladda, balse gacanta Ciidanka Xoogga ku jiraan.

“Waxaan rabaa umadda Somaliyed in aan la qaybsado, khasaaraha Shabaab gaaray waxaa marqaati ka ah Gobol kasta inay iska soo dhiibeen oo maanta marqaati laga yahay in Ciidamda Xoogga Sodomeeyo aan la soo gudbin inay gacanta ku hayaan & qaar la qabtay, balse badankooda ay isa soo dhiibeen.” Ayuu yiri Taliye Indha Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi, ayaa sidoo kale sheegay hawlgalada ka socda Gobolada dalka Somaliya Ciidamada Xoogga dalka inay guulo waaweyn ka soo hooyeen.

Waxa uu tilmaamay dagaalka inuu sii socon doono Ciidamada & Saraakiishana uu uga mahadcelinaayo dadaalka ay kula dagaalamayaan al Shabaab.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here