Therasa May oo diiday in la damiyo saacadda ay caanka ku tahay London

Saacadda Big Ben waxa ay ka mid tahay astaamaha rasmiga ah ee Londonaacadda Big Ben waxa ay ka mid tahay astaamaha rasmiga ah ee London

Ra’isulwasaaraha dalka Britain Tharesa May ayaa afhayeenka aqalka baarlamaanka dalkaasi John Bercow ka codsatay in dib u eegis lagu sameeyo qorshe hawada looga saarayo saacadda caanka ah ee dhawaaqeeda laga maqlo meelo badan oo London ka mid ah.

Saacadan Big Ben ee ku dhegan qalcadda Elizabeth Tower ayaa hawada laga saarayaa illaa sanadka 2021-da sababo la xiriira dayactir lagu samaynayo qalcadda ay ku taalo.

“Waxaan rajaynayaa in afhayeenka baarlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga joogtada ah ay dib u eegis ku sameeyaan si degdeg ah si ay noogu suurtogasho in dadka ay maqli karaan shanqarta saacadda Big Ben” ayay tiri May.

Qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiyada mucaaradka ayaa waraaq u qorey guddoonka baarlamaanka, waxayna ka codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka lagu aamusiinayo Big Ben oo ah saacad adduunka oo dhan caan ka ah.

Big Ben oo sidoo kale ka mid ah astaamaha caanka ah ee London ee durba kuu muuqanaya marka aad magaalada tagto, ayaa waxa ay sidoo kale tahay astaan maqalkeeda adduunka dhan caan ka ah maadaamaa muddo aad u dheer laga baahin jirey idaacada BBC-da.

Balse BBC Radio 4 oo ah idaacada sida tooska ah u baahisa shanqarta saacadan ayaa sheegtay in ay baahin doonto cod lasii duubey marka la damiyo.

Qarashka lagu dayactirayo saacadda iyo qalcadda ay ku taalo ayaa gaaraya £29m, waxaana la ansixiyey sannadkii 2015-kii.

Bahda warbaahinta Britain iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa aad u dhaleeceeyey go’aanka lagu daminayo saacaddan oo loo aqoonsanyahay in ay ka mid tahay waxyaabaha haybadda u ah dadka Britain.

Waxa ay shaqaynaysay, shanqarteeda la dhagaysanayay muddo dhan 157 sanno

Waxa uu culeeskeeda dhanyahay 13.7 tan, waxayna ku taalaa qalcadda Elizabeth Tower oo dhererkeedu dhanyahay 96m, taasi oo noqotey dhismaha sawirradii ugu badnaa laga qaaday.

Baarlamaanka ayaa sheegey in haddii saacada sii shaqayso ay dhibaato ku tahay dhagaha shaqaalaha dayactirka ka wada dhismaha.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII