Tronto:Gabadh 11 jir ah oo la isku dayay in Xijaabka Maqas looga jaro

Khawlah Noman, 11 jir ah ayaa saxaafada la hadashayKhawlah Noman, 11 jir ah ayaa saxaafada la hadashay

Booliiska dalka Canada aya waxay sheegeen in weerarka la sheegay in nin uu u gaystay gabadh 11 jir ah oo uu isku dayay in uu xijaabka ka jaro uu ahaa dambi nacayb ku salaysan.

Khawlah Noman, oo 11 jir ah ,ayaa u socotay iskuulka waxa ayna wada socdeen walaalkeed markaasi oo ninkani uu gadaal uga yimid isaga oo maqas wata.

Miss Noman ayaa sheegtay in ay qaaylisay ka dib na ninkii uu cararay islamarkana ay ka war heshay Xijaabkeeda oo la jaray.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in qofka weerarka gaystay uu asal ahaan ka soo jeedo dalalka Eeshiya islamarkana uu ku jiro da’da labaatameeyada.

Gabadhan yar ayaa sheegtay in ay imika dareemayso cabsi badan weerarka ka dib.

Raisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa cambaareeyay falka lagu weeraray gabadhani.

Mr Trudeau ayaa sheegay in falkaasi uusan ka turjumayn waxa Canada ka jira.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII