Trump: Baaritaanka FBI-du ku hayso arrinta Ruushka “Maraykanka si xun bay u dhibaysaa”

Robert Mueller (L) with his successor at the FBI James Comey,Robert Mueller oo bidix taagan iyo ninkii isaga kala wareegay agaasimenimada FBI-da James Comey oo eryiddiisii todobaadkii hore ay cirka ku sii shareertay dalabka ah in dambibaare madaxbannaan loo saaro baaritaanka Ruushka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka lagu magacaabay dacwad ooge madaxbannaan oo dusha kala socda baaritaanna ku aadan in Ruushku uu saamayn ku yeeshay doorashadii ay “si xun u dhibayso” dalka Maraykanka.

Isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Washington ayuu diiday in wax wadashaqayn ah ay dhexmartay ol’olihiisii doorashada ee sanadkii hore iyo Ruushka.

“Waxan oo dhan waa quraafaad mana jiri wax wadashaqayn ah” ayuu yiri

Nin horay u soo hogaamiyay hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa loo doortay in uu hogaamiyo baaritaannada arrintan lagu hayo.

Magacaabidda Mueller waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiin ka kala tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga.

Baaqyadii ahaa in la sameeyo dacwad ooge madax bannaan oo hogaamiya baaritaannada la wado ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii madaxwyene Trumo uu shaqada ka eryay agaasimihii FBI-da James Comey todobaadkii hore.

Khamiistiina Trump wuxuu diiday in uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho baaritaanadii uu waday Comey.

Trump ayaa tilmaamay “in Comey uu ahaa nin shacbiyad yar”.

Trump ayaa Arbacadii sheegay in uusan taariikhda soo marin siyaasi loola dhaqmay si ka xun sida loola dhaqmay isaga ama caddaalad darrada loogu sameeyay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII