Trump oo baajiyay booqashadiisii dalka UK

Theresa May iyo Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bisha Feebaraayo, wuxuuna sheegay in uusan “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taas oo la qorsheeyay in uu isagu furo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay “in fikraddaasi ay ahayd mid xun”.

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump.

Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu wax ka dhoho baajinta booqashada Trump ee UK.

Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen “laws”.

Wuxuu sheegay in dhismaha cusub ee Vauxhall ee Koonfurta London in ay “durugsan tahay” wuxuuna intaas ku daray “Ma inaan xariga ka rajaad rabtaan, Maya!”

BBC waxay fahamsan tahay in xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xariga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.

Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII