Villa Somalia oo yeelatey Afhayeen Cusub

Axmed Xaaji Shadoor Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Warfaafinta ee Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa maanta xilka laga qaaday, kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray Amarkaasi.

Shadoor Xaaji Shadoor oo xilkaasi soo haya tan iyo Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in lagu bedelay Agaasime cusub oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Axmed oo ka mid ahaa dadkii kaalinta ka qaatay Ololaha Doorashadda ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxii Borotokoolka ee Madaxtooyadda, Siyaad Maxamuud Shire waxaa lagu beddelay Mas’uul cusub oo lagu mgcabo C/llahi Yuusuf.

Waxaa kale oo la filaya in dhowaan xilk laga qaado Agasimihii KMG ee Madaxtooydda, Ambassador Cli Fiqi, kaasi oo l hadal-hayo inuu Wasiir ka noqonayo Xukuumadda Cusub ee Federalka ee dhwan lagu dhwqi doono.

Isbedelka Xilliga Kala-guurka ee Madaxda Talada kala wareegta ayaa waxaa caadi ah in ay Mas’uuliyiintii hore xilalka ka qaadaan, kuna bedelaan xubno kale oo laga yaabo inaysan Carbis iyo Khibrad u lahayn Xilalka loo dhiibay.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII