Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe

0

 

 

 

 

 

 

 

Wararka ka imanaya deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu la fatahay deegaankaas isagoo sababay in qaar kamid ah dadka tuuladaa ay ku barakacaan.

Wabiga oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo kordhayeen biyo ayaa sababay xalay saqdii dhexe inuu ku fataho deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka saran wabiga Shabelle.

Fatahaada wabiga ayaa geystey gaarsiiyay qasaare beeralayda ku nool tuuladaa iyadoo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen islamarkaana baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala gedisan.

Guddoomiyaha tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday maamulka gobolka Sh/dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas.

Wabiga Shabelle ayaa xilliyada jiilaalka qalala halka uu xilliyada guga iyo deyrtana uu fataho, waxaana loo aaneynayaa sababaha fatahaada inay tahay iyadoo wabiga ay fariisatay carro farobadan isla markaana aan laga saarin ciidaas tan iyo dowladii hore ee Siyaad Barre.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here