Wado hor marta Xarunta NISA oo gebi ahaanba la xiray

0

Wado hor marta xarunta Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee degmada Shibis ayaa gebi ahaanba la xiray.

Halka wadada laga xiray ayaa u dhaxeysa KM-0 illaa Hotelka Global, waxaana wadadan at markii hore labo dhinac ka xirneyd oo ay Ciidamada NISA bar koontarool ku lahaayeen.

Ganjeel ayaa lagu xiray bartamaha wadada Laamiga ee hor mara Xarunta NISA ee loo yaqaano Habar Khadiijo, halkaasoo markii hore ay mari gaadiidka la yaqaano ee dowladda.

Dadka degan Xaafada Seylaani iyo Xaafadaha degmada shibis ayaa horay wadada ku isticmaali jiray qaab lug ah, hase ahaatee waxaa haatan la soo saaray amar ah in aanay dadka caadiga ah mari karin, taas bedelkeed ay ka soo wareegayaan dhanka Garoonka Koonis Stadium.

Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa lagu eedeyn jiray inay jidadka magaalada xirtay, hase ahaatee dowladda uu xilligan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhaxashay, isla markaana sii kordhisay xirnaanshaha waddooyinka, iyadoo la xusuusto in Madaxweyne Farmaajo uu ololaha ku galay in dadka aan waddooyinka laga xiri doonin, lana caburi doonin.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here