War deg deg ah Nin Kenyaan ah oo Saakay Laba Gabar ku Afduubtay degmada Howl wadaag ee Magaalada Muqdiaho oo laamaha Amniga Gacanta ku dhigeen kuwa kale oo lagu Raad joogo

0

 

 

Waxaa saakay Aroortii Afduub ka dhacay meel dhowr tilaabo u jirta degmadda Howlwadaag halkaa oo lagu Afduubtay Laba Gabar oo u socday Dugs quraan i kuwaa oo dadooda aheyd 8 Jir iyo 11 jir

Rag Afduubka Geestay oo watay Bajaaj ayaa tiradooda ahayeen 3 kuwaa oo Gabdhaha ku afduubay Bistoolada iyagoona mid ka.mid ah Raga Afduubka geystay uu ahaa nin Kenyaan ah oo aan Afka Soomaliga garan isagoona ku hadlayo kalita Afka Ingariiska

Gabdhaha yar yar ee la Afduubtay ayaa waxaa bad baadiyey Ciidamo wadad maraayey kuwaa oo u qeyliyeen Caruurta la afduubtay halkaana laga tuuray Bajaajkii sidaana ku baxsadeen bajaajlayaashii

Galabta ayaa waxaa xaafada Yimid Rag dhar cad ah oo ka socda waxaada Danbi Baariista iyadoona Labada Hablood iyo Walidkood la kaxeeyey la geeyey goob Xashiisha lagu Cabo oo beerta Daraawiishta hoosteeda ah ama.Sayidka hoostiisa Halkaa oo Gabdha l la tusan Rag Badan laguna yiri ka soo saara halkaa oo gabdhahii.la Afduubtay ay durbadii garteen.mid ka mid ah raga fuliyey Saakay Afduubka kaa oo ahaa nin Kenyaati ah isagoona goobta ka sheegay in uu Caawinaayey kaliya Rag wax Afduubtay

Waaxda Danbi Baariista ayaa ka xeysatay Ninkii Kenyaatiga ahaa ee Gabdhaha Yar yar Afduubtay iyadoona laga doonaayo in uu soo Gacan Galiyo Labada Rag ee kale ee wax ka afduubtay Hablaha

Waxay Caruurta dagan yihiin Shanta Geed ee Degmada Howl Wadaag ee Magaalada Muqdiaho

La soco waxii warar ka soo kordha

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here