Warar Dheeraad ah Ayaa ka Soo baxata Duqeyn Ka Dhacday Jubada Dhexe

0

ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in gobolka Jubbada Dhexe, Diyaarado dagaal lagu duqeyey  saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen Duqeyntan inay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Kenya, waxayna tilmaameen inay maqleen ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay xerada Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.

Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here