Wasiirka Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo isku-haya dhismaha mac-hadka gorsoorayaasha

0

 

 

Waxaa soo shaacbaxay Khilaaf weyn oo u dhaxeeya Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Khilaafkan ayaa ka dhashay dhismaha iyo aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda sare 6dii Bishan july ayuu ku casuumay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka in uu 17ka July, Hotelka Jaziira uga qeybgalo shir soconayo afar Cesho oo looga tashanayo dhismaha Mac-hadka Garsoorka Dalka.

10kii Bishan ayuu Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka ka soo jawaabay Warqaddii casuumadda ka tashiga aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo Kaaliyayaasha,waxaana uu Warqaddiisa ku sheegay in diyaarinta sharciga Mac-hadkaas ay waddo wasaaradda meel gabo-gabo ah uu marayo sharciyanna uu Mac-hadku hoostago Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka.

Arrintan ayaa u muuqata tartan dhinaca awoodda ah oo u dhaxeeya Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here