Wasiirka Maaliyada Oo Digniin Siiye Shaqaalaha Wasasrada

0

Mar oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu digniin u diray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C.raxmaan Ducaalle Bayle shaqaalaha Wasaarada ee aanan soo xaadirin shaqooyinka.

Wasiir Bayle wuxuu tilmaamay qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda in laga doonaayo si hagaagsan inuu i guto waajibaadka shaqo ee saaran.

Wasiir Bayle ayaa si dadban u weeraray shaqaalaha qaar oo Qurbajoog ah kuwaasi oo qaata lacagta Wasaaradda Maaliyadda, balse shaqada aanan imaanin.

“Ninkii aanan imaanin shaqada 8:00 subaxnimo aniga wax mushaar ah iguma lahan, qurbahan isaga maqnaanayaa lacagteyda iisoo dhaceysa wax suuragal ah ma ahan.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

“Haddii shaqada la idinku adkeeyo wax kale garan maysaan ordoo Xildhibaanadiina lasoo carara, waxaasi waa dhamaatay 8:00 subaxnimo shaqada waa in la yimaadaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bayle.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here