Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlay khilaafka Dekeda Muqdish0 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta oo Isniin ah dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmo kooban ugu maqnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay khilaafka ka taagan Dekeda Muqdisho iyo arrimaha canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada Soomaaliyeed, taasi oo maalimihii dambe xoogeysatay.

C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa si cad u sheegay in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto Toban canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya ilaa Saddex canshuur.

Wuxuu soo bandhigay warqado oo uu sheegay Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen, welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo Ganacsatada, si uu u dhageysto cabashadooda.

Dekeda magaalada Muqdisho ayaa Todobaad shaqadeeda waxa ay tahay mid gaabis ku yimid, kadib markii Ganacstada ay sheegeen in si aan sharci aheyn looga qaadayo canshuurta, midaasina ay ka soo horjeedaan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII