Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Somaliland oo Muqdisho soo gaaray

0

 

 

 

Afar xubnood oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad la socda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirradan hore ayaa ay shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho inkastoo aan la sheegin ujeedada safarkooda.

Xubnaha tirsanaa xukuumadii hore ee Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah, Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Khadar Axmed Diiriye oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Caddaaladda, Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday iyo xubin afaraad oo aysan inoo suuragelin inaan helno magaciisa iyo xilka uu hayn jiray.

Lama oga in xubnahan markii ay imanayeen iney toos uga soo duuleen degaanada Somaliland iyo iney ka soo wareegeen dalalka deriska la ah Somalia.

Safarkooda ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somalia.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here