Weerar lagu qaaday Ciidamo ku sugan Gobalka Shabeelada Hoose

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa waxey saaka weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Bariire oo ay fariisimo ku lahayeen Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Dagaalkan saaka ka dhacay deegaanka Bariire waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose sida ay sheegeen dadka degaaanka.

Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu gubay gaari Taw ah oo ay la haayeen Ciidamo katirsan dowlada Soomaliya gaar ahaan ciidamo ay soo tababartay Dowlada Mareykanka, balse wax faah faahin intaas kasii badan maka bixin dagaalka ciidamadoodu ay qaadeen.

wali wax war ah kama soo bixin maamula deegaanka bariire ee Gobalka Shabeelada hoose ee ku adan weerarkaan la sheegay in lagu qaaday deegaankaas.

Maalintii shalay ayeey aheed markii dagaal-yahano katirsan Al-shabaab weeraro ku qaadeen deegaanada Mukayga iyo Bariire oo wada dhaca duleedka degmada Afgooye kuwaasi oo labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay uu qasaaro kasoo gaaray

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII