Xaafad ka Tirsan Muqdishu oo Xalay Dhalinyaro Lagu Dilay

0

 

 

 

Sidda ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah ee ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa koox hubeysan ayaa xalay halkaasi ku dilay labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo lama oga sababta loo dilay dhalinyarada.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Sikastaba ha ahaate Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay sidoo kale wali ma cada cida sheegatay dilkaas inkastoo dilalka nuucaan ah ay fuliyaan alshabab.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here