Xeerilaaliyaha Qaranka oo ku baaqay in lagu laabto doorashada 8 Xildhibaan

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare in lagu laabto 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada Muhiimka ah ee ka soo baxa Maxkamada Sare ee Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.

“ Waxaan taageeraya go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano Xildhibaanada Baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo Cadaaladda oo dib doorasho Xalaal ah loogu celiyo Kuraasta aan saxneyn ee Baarlamaanka ku jira “ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka”.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII