Xiisad u Dhaxaysa Maamulada Somali-land iyo Puntland oo Ka Taagan Gobolka Sool.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Sool Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ayaa shalay galinkii dambe ku baxay qeybo kamid ah deegaanada lagu muransanyahay ee gobolkaas.

Ciidamo aad  u badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo wata Gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay gaareen  deegaanada lagu muransanyahay ee gobolka Sool.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka hortagi doonaan in Somali-land ay goobahaas geyso sanaadiiq codbixinta, kadib markii Somali-land ay sheegtay in puntland ay kala heshiisay arintaas.

Dhawaan wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somali-land Fartoon ayaa sheegay in puntland ay kala hadleen arrinta cod bixinta gobolada Sool, iyo Sanaag loona oglaaday waa siduu hadalka u dhigeen.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi cali Xirsi Qarbab ayaa dhankiisa sheegay in dhankooda aysan ogolaan doonin in Somali-land ay sanaadiiq codbixinta, geyso Gobolada Sool iyo Sanaag.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwo ay ku muransan yihiin maamullada Somalilandiyo Puntland, waxaana tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Milatariga ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

 

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII