Xildhibaanada Galmudug ka soo hor jeestay Heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo warbaahinta la hadlay kadib markii la soo saaray Qodobada dhowrka ah ee Ay Galmudug iyo Ahlusuna ku heshiiyeen ayaa waxaa ay sheegeen in heshiiskaasi uusan ahayn mid dhaqan galaya oo aan loo marin wadadii saxda ahayd.

Xildhibaanada Galmudug waxaa ay Tilmaameen in Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi aan lagala tashan islamarkaana aysan Iyagu taageersaneyn sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka xildhibaanadan Ayaa noqonaya mid yimid kadib Heshiis Dhameystiran oo ay Gaareen Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu dhameystiray Madaxtooyada Somalia iyadoo Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu sheegay In loo Baahanyahay In aan Laga Hor Imaan Heshiiskaasi.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII