Xildhibaanada Jubalaand Oo Go’doon Ku Ah Magaalada Kismaayo

0

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in aroornimimadii saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay xanibeen guud ahaan dhaq dhaqaaqii Xildhibaanadaasi.

Lama oga tiro ahaan inta ay la’egyihiin Xildhibaanadaasi ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu go’doomiyay halkaasi.

Balse Xubnahani ayaa ka mid ah Mudanayaal ka horyimid guddi qaabilsan arrimaha doorashada oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here