Xildhibaanada oo Guddi u saaray kiiska Qalbi Dhagax

Dood Adag oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo dhaamaatay , waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dooda Baarlamaanka ka sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ay aheyd Sharci daro.

Sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay Golaha Wasiiradda Go’aankii ay qaateen in uu sax ahaa.

Gabagabadii kulanka ayaa gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Jawaari uu sheegay in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax sida uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya ayaa dood ka dhexdhaliyay Xukuumadda iyo sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII