Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Soo Afjareen Khilaafki Maamulka Hiiraan

0

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin kale oo ku howlanaa xalinta xiisadaas ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Dabageed uu ogolaado inuu xilka wareejiyo.

Khilaafkii ka taagnaa xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ugu dambeyn la soo afjaray sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Belad-weyne.

Waxaa khilaafkan uu sababay in muddo bil ah aysan Shaqeyn xarumaha Maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa shalay la wareegay Xarumaha Maamulka, isaga iyo ku-xigeenadiisa kadib wadahadallo maalmahaan ka socday magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, xalay waxaa Baladweyne kulan ku yeeshay Gudodomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo guddoomiyaha Cusub, iyagoo halkaasi ku dhameeyay waxyaabihii sababay in xilka uu wareejin waayo Yuusuf Dabageed.

Sikastaba ha ahaate Maamulka hiiraan ayaa in mudo ah ku howlnaa khilaafkan iyadoo aysan jirin wax wada shaqeen ah oo ka dhaxeeyey maamulka iyo bulshashada hase ahaate Xalinta xiisadaan ayaa waxaa soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan waxaana la isku afgartay in howlaha baaxada leh ee horyaala Maamulka Gobolka hiiraan laga wada shaqeeyo .

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here