Xildhibaano Sheegay In Siyaasiyiin Ka Tegay Muqdisho Qalalaaso Ka Wadaan Deegaanada Galmudug

0

Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Dayniile ayaa waxa uu sheegay in markii hore Siyaayiin soo gaaray deegaanada Galmudug ay u sheegeen inay yihiin xal raadis balse markii dambe ay bilaabeen inay sii ballaariyaan khilaafkii jiray.

Waxa uu sheegay inay iyaga u arkayaan in siyaasiyiintaas qorshihii ay wadeen Magalada Muqdisho laga fashiliyey,isla markaana ay dib ugu soo laabteen.

Tan iyo markii Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa waxaa ku bilaawday cadaadis siyaasadeed Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here