XOG: Dowladda Soomaaliya oo Keentay Qorshihii Lugu Sugi Lahaa Amniga Wadada Maka Almukarama

0

 

 

 

ilo wareeedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in dowalda soomaaliya ay damacsan tahay in wadada maka almukarama lagu xiraayo Kaamirooyin Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada Muqdisho

Kaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka.

dadweynaha ku dhaqan muqdishu ayaa ku wareersan arintaan hase ahaate Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah.

1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab.

2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan.

Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab ee qaraxyada ugu badan ka fuliyaan wadada  Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho inakstoo dowlada waajib ku tahay sugida amniga shacabka aya wali waxa jira habacsanaan dhinaca ciidamada taasi waxay sababtay in dowlada la timaado qorsho lagu sugi karo amniga wadadaaani.

Sikastaba ha ahaate Wadada Maka Almukarama ayaa ah goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi wali ma jirto hay’adaha amniga wax arintaan faahfaahiye hase ahaate wa arin wax weyn ka qaban doonto amniga xumida wadada maka almukarama.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here