XOG: LABA SANAD GUURADA DAWLADDA & GUULAHA  LA GAARAY

0

 

 

 

 

Laba sano kadib Dawladda Nabad & Nolol dad badan ayaa ku dheeraaday dhaliilaheeda. Laakin anigu waxaan ka eegayaa dhinaca guulaha iyo horumarka si loogu abuuro Rajo iyo Himilo Dhalinyada, loona yareeyo Quusta iyo Mustaqbalka Madow.

Waxaana kala duwan hal-beega lagu cabirayo guulaha iyo dhaliilaha sida: Balanqaadkii Madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada miyaa lagu cabirayaa? Mise Mashxaraddii dadweynaha markii la doortay iyo wixii ay ka sugayeen ayaa lagu cabirayaa? Mise dawladdii ka horeysay halkii ay joogtay 2016 iyo wixii lagu daray ayaa lagu cabirayaa?

Aniga oo qaadanaya cabirka ugu danbeeya waxaa guulo la taaban karo laga gaaray:

A. Is bedelka dhaqankii Siyaasadda sida;
1. Wada shaqeynta iyo kalsoonida hay’adaha Federaalka iyo xallinta khilaafkooda Ajnabi la’aan, gaar ahaan; Madaxtooyada, Golaha Wasiiradda, Barlamaanka iyo Garsoorka.

2. Maamulada Gobalada oo hoos yimid Federaalka, halkii ay wada tartami-jeen ama is barbar yaaci-jireen.

3. Dhismaha hay’adaha dawladda, diiwaaninta Wasaaradaha,Tubaha Qorshaha Golaha, Qorshaha Siyaasada loo dhanyahay ee 2020.

B. Is bedelka Dhaqaalaha;
1. Koboca dhaqaalaha: Dakhli iyo Kharash.

2. Joogtaynta Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada, Dayn la’aan.

3. Yareynta Musuqa iyo Cabsi-gelinta dadka caadeystay.

4. Kalsoonida ay siiyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera Somaaliya Xukuumadda iyo Bangiga dhexe.

5. Nidaaminta iyo cadaynta habka soo xereeynta dakhliga iyo bixintiisa.

C. Is bedelka Arrimaha Amniga iyo Ciidamada;

1. Nidaaminta Ciidamada iyo kala-saarkooda, Boolis, Nabadsugid iyo Milatery, Tirakoob iyo Tababar, Dishibiliin iyo kala danbeyn, u diyaar-garow bedelida AMISOM.

2.Tilmaanta dawladda oo gaartay AMISOM iyo Ciidamada Shisheeye ee jooga dalka!
3. Joogtaynta Mushaarka iyo Qalabeynta Ciidanka.

D. Is bedelka Arrimaha Bulshada;
1. Bilawga Iskuulada iyo Isbitaalada hoos taga dawladda iyo baahintooda.
2. Bilawga Shaqa abuuris dhallinyada.
3. Bilawga Mashaariic horumarineed.

E. Is bedelka Arrimaha Dibadda:
1. Xoojinta Xiriirka Deriska, Gobalka iyo Caalamka.

2. Mawqifka dhexdhexaad-nimada Khilaafkii Carabta iyo dagaalka ka dhex Holcaya.

3. Yareynta Faragelintii Shesheeye iyo soo Celinta hay’baddii dawladdnimada.

F. Dhismaha Xizbiyada Siyaasadeed oo bedelaya Nidaamkii Awood qeybsiga 4.5 ka iyo u diyaar garawga doorashada la filayo 2020!

Ugu danbeyn qodobadaas iyo kuwa kale oo aanan xusin waxaan u arkaa guulo la gaaray iyo talaabooyin horay loo qaaday labadii sano ee lasoo dhaafay una baahan in la taageero, lana bogaadiyo wixii ka dhimanna lagu daro si loo gaaro Himilada iyo Hiigsiga labada Sano ee dhiman, lana diido Quusta, Did u dhaca iyo kuwa aaminsan in aan wax la qabsan karin

Xigasho : Mohamed Gacal

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here