Xulista Xildhibaanada Jubbaland oo bilaabaneysa & shir laga yeeshay

0

 

 

 

 

 

 

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland & Odayaasha Dhaqanka,waxana kulankooda ay uga hadleen habka loo marayo soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland.

Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Jubbaland Odayaasha Dhaqanka ku nool la keeni doono Magaalada Kismaayo si loo siiyo tababaro ku aadan xalinta khilaafaadka.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in Oday dhaqameed walba laga doonayo in uu keeno saddex qof oo Beeshiisa ah, kadibna looga xusho midkii ka mid noqon lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Habka loo marayo soo xulista Xubnaha xildhibaanada Cusub ee Jubbaland oo ka duwan sidii hore ayaa waxaa kasoo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,iyaga oo sheegay in habkaas uu yahay mid Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku doonayo in uu kusoo baxo Xildhibaanka taageersan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here