Zuma oo cadaadis hor leh wajahayo

Image result for zuma

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Kgalema Motlanthe, ayaa BBC-da u sheegay in codkiisu aanu noqon doonin mid ay ku xisaabtamo xisbiga tadada haya ee ANC marka la gaadho doorashada 2019-ka.

Mr Motlanthe oo muddo kooban hayey xilka madaxtinimada dalkaas marna ahaan jiray ku xigeenka Zuma, ayaa cadeedey in uu isku deyey in uu ku qanciyo madaxweynaha dalka inuu xilka iskaga dego muddo sannad ah ka hor.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay argtida wasiirada qaarkood ay ka qabaan dhaqaalaha dalka inkasta oo wasiirka cusub ee maaliyaddu isku deyayo inuu yareeyo cabsida baanka adduunku ka qabo dhaqaalaha Koonfur Afrika.

Ayadoo Kgalema Motlanthe u ka gaabsaday in uusan dabarka u jeedinin xisbigan u noolashiisa oo idil u soo adeegayay ayaa haddana waxaa uu sheegay in aaan la isku haleyn karin in codkiisa uu siiyo xisbiga marka la gaaro doorashada guud ee 2019ka.

Wuxuu kamid yahay saraakiisha ugu sareysa ee shakiga geliyay mustaqbalka xisbiga ANC ee u hadda hogaaminyao madaxweyne Jacob Zuma.

Dibadbaxayaal ku sugan agagaarka xarunta xisbiga ANC uu ku leehay magaalada JohannesburgDibadbaxayaal ku sugan agagaarka xarunta xisbiga ANC uu ku leehay magaalada Johannesburg

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa codka kalsoonida u qaadi doona Madaxweyne Zuma, ayada oo mucaaradka dalkaasina ay cadaadis ku saarayaan in uu xilka ka dago, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa sidoo kale taagera buuxda ah ka haysta dadka degan baadiyaha dalka .

Hogaamiyayaasha mucaraadka, ururada shaqaalaha iyo kooxaha diinta iyo bulshada rayidka ah ayaa bilaabay isbahaysi cusub oo ay ku khasbayaan Madaxweyne Zuma inuu xilka ka dego.

Isbahaysigan oo isku sheegay dhaqdhaqaaqa xoriyadda waxaa taageeray baadariga weyn Desmond Tutu.

Madaxweyne ZumaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne Zuma

Todobaadyadii la soo dhaafay, kumanaan qof ayaa ka dhigay dalka isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in Madaxweyne Zuma iscasilo oo ay ku eedeyen musuq iyo dhaqalaha oo aan kobcin.

Dhanka kale, qofka lagu bedeli doono Madaxweyne Zuma in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga ANC, ayaa la dooran doona dabayaaqada sanadkan balse Kgalema Motlanthe waxa uu ka dhawaajiyay suurta galnimada ah in doorashada xisbiga la soo dedejiyo.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII