Waxaa 4 bilood gudaheed ku soo dhammaaday doorashooyinkii aqalka sare ee Somalia,

Si walba haku qabsoomeen, hana ku soo dhammaadeen wax weyn oo laga sheekeyo ama laga qoomameeyo lama maqlin, inkasto dad badani ku qancin natiijadii ka soo baxday.
Taaso, loo sababay in marka horeba;

– aqalka sare uusan muhimad weyn ku laheyn siyaasadda.
– jiritaankiisa iyo awoodiisa oo aan ku qeexneyn dastuurka ku meel gaarka.
– tiradiisa oo aan badneyn.

Hadda waxaa la gudo galay waqtigii la soo dooran lahaa xildhibaanadda golaha shacabka Somalida oo ah riximkii dhali lahaa Madaxweynaha dalka ee la sugaayo inuu dhasho, haddii uusan noqonin calool jiif ama dhicis, qof walba siduu u yaqaan.

Dhammaan Galmudug, iyo Koonfur Galbeed qeylo ayaa ka socoto bilowgeeddii, waxaa soo raacay Puntland oo dagaal qarka u saaran.
Warar kalena, waxay leeyihiin in Hirshabeelle dhib weyn ka dhici doono, haddii aan wax laga bedellin sidey wax u socdaan.

Waxaa la yiri; shacuubta hore u martay markey wareeraan oo mustaqbalka mugdi ka galo, waxay maciin iyo magan ka doonaan caqliga iyo ra’yiga, halka shacuubta dib u dhacsan ay kaashadaan awood sheegasho iyo colaad.

Somali dagaal sokeeye iyo degenaansho la’aan waa soo arkeen, oo taasi waxay noqotay filim, riwaayad iyo goos goos ay hore u soo galeen.
Maanta, waxay taagan tahay iney tiraahdo; miyaan wax uun ku heshiisin karin ( waxay rabto ha noqotee, had dhowna ka wada hadalno wixii dhacay iyo sidii loo xalin lahaa )

Sax iyo qalad iskuma darsoomi karaan, ee waxaa loo baahan yahay oo keliya in la kala garto danta guud meeshay dhacdo iyo danta gaarka ah meeshay taallo.


Faalooyinka Iyo Wararka Doorashada kala socda halkan ama Websitedka

www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here