𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 𝗢𝗢 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗬 𝗞𝗨𝗟𝗔𝗡 𝗟𝗢𝗢𝗚𝗔 𝗛𝗔𝗗𝗟𝗔𝗬𝗔𝗬 𝗨 𝗗𝗜𝗬𝗔𝗔𝗥𝗚𝗔𝗥𝗢𝗪𝗚𝗔 𝗞𝗨 𝗕𝗜𝗜𝗥𝗜𝗦𝗧𝗔 (𝗘𝗔𝗖)

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟬 𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟯: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto Ururkaasi.

Advertisement

Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen masuliyiin ka kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarow dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaablka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha Horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul Wasaaraha Cabdiqani Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Bariga Afrika (EAC).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here