๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ, ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taas oo qayb ka ah Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).
Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hayโ€™adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
May be an image of 5 people, dais and text that says "HAY'ADD SOI THE WORLD BANK MASHRUL AAREYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED DISASTER ANAGEMENT AGENCY (SODMA) ALI CRISIS RECOVERY PROJECT (SCRP) ASOO KABASHADA XASARADAHA SOOMAALIYA LAUNCH EVENT ENCY PREPAREDNESS &RESPONSF MENT REQUIREMENTS SOMAL ENT & GADISHU,SOMALIA"May be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says "HAY ADDA SOMAL S So MASHRUUCA CRISIS KA ฮ•ฮฅฮฮคฮ‘ MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEE STER MANAGEMENT AGENCY (SODMA) OVERY PROJECT (SCRP) XASARADAHA SOOMAALIY EVENT SS &RESPONSE ASSESSMENT NTS REPORT SOMALIA E 20 Sep 2023 aas"May be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and people studyingMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people, people studying and textMay be an image of 7 people, people studying, table and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here