New York, 22 Sebtember, 2023: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
President Joe Biden and First Lady Jill Biden participate in a photo line with leaders attending the United Nations General Assembly, Tuesday, September 19, 2023, at the Metropolitan Museum of Art in New York City. (Official White House Photo by Adam Schultz)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here