𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹 𝗸𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗿 𝗲 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺

Dar es Salaam, Tanzania, 26 Luuliyo, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here