Wasiir Ku xigeenka Xanaanada xoolaha oo uu xilka ka qaaday Raysal Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Rooble ayaa sheegay in xil ka qaadista uu ku sameeyay Rooble uu aad u soo dhoweynaayo, sababta looga qaadayna ay tahay cunaqabateynta saaran dhoofinta xoolaha Somaliya, in Raysal Wasaaraha uu ka dhego adeygay isaga oo dhowr jeer kala hadlay. Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha oo soo dhigay bartiisa twitter-ka faahfaahin ayuu raaciyey.

Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Xildhibaan Cabdrisaaq Daahir:- “Waxaan aad u soo dhawaynayaa in Raiisal Wasaare Roble iga qaado xilka Wasiir-Ku-Xigeenka Xanaanada Xoolaha iyada oo ay sabab u tahay in aan ka hadlay cunaqabataynta lagu hayo dhoofinta xoolaha Somaliyeed taas oo Raiisal Wasaaruhu in badan ka dhego adaygay. Sida hoos ku xusan.

Halkan kala socda Aqbaartii Ugu dambeysay Dalka Somaliya ama ku xirnoow

Www.Dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here