π˜Ύπ™„π™„π˜Ώπ˜Όπ™ˆπ˜Όπ˜Ώπ˜Ό π˜Ώπ˜Όπ™‰π˜Όπ˜½ π™Šπ™Š π˜Ώπ™„π˜½ 𝙐 π™€π™€π™‚π™„π™Ž π™‡π˜Όπ™‚π™ π™Žπ˜Όπ™ˆπ™€π™”π™‰ π˜Ώπ™Šπ™Šπ™‰π™Š π™‚π™Šπ™Šπ™ π˜Ώπ™ƒπ˜Όπ™’ !

Dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu dib u eegis dhan walba ah ku wado taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab kuwaas oo dhowaan qeyb ka ahaa dagaalladii lagu qaaday Ahlu sunna ee ka dhacay Guriceel, Galmudug.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

Colleen Crenwelge oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri β€œDib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-shabaab, waxaa xaqiijin doonaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo isla markaana la jaanqaadi kara siyaasadda Mareykanka”.

Ciidamada Danab, ee Mareykanu biilaan ayaa loo daad-gureeyey Guriceel, qeybna ka noqday dagaal sababay iney barakacaan in ka badan 10 kun oo qof, horseedana xaalad banii’aadnimo oo aad u adag.


Halkan kala socda Aqbaartii ugu dambeysay Dalka Soomaliya

Www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here