XIGASHO LAACIB.NET
Warbixin dhowaan la daabacay ayaa shaacisay liiska horyaalada kubadda cagta ee ugu daawashada badan dunida sanadka 2025, iyadoo muujisay korodhka awoodda horyaalada waaweyn ee Yurub, isla markaana ay muuqato xiisaha qaar ka mid ah horyaalada ka baxsan qaaradda Yurub.
Horyaalka Ingiriiska (Premier League) ayaa galay kaalinta koowaad isagoo ah horyaalka loogu daawashada badan yahay caalamka, taas oo ay sabab u tahay baahinta warbaahineed ee ballaaran iyo tartanka adag ee joogtada ah.
La Liga (Spain) ayaa galay kaalinta labaad, iyadoo ay taageerayaan sumcadda kooxaha taariikhiga ah iyo ciyaartoyda caanka ah ee ka ciyaara.
Bundesliga (Germany) ayaa ku jira kaalinta saddexaad, halka Serie A (Italy) ay gashay kaalinta afraad. Ligue 1 (France) ayaa ku dhammaystay kaalinta shanaad, iyadoo ka faa’iidaysatay xiisaha caalamiga ah ee sii kordhaya.
Kaalinta lixaad waxaa galay horyaalka Maraykanka (MLS), taas oo muujinaysa kororka weyn ee caannimadiisa caalamka, gaar ahaan kadib imaanshaha Lionel Messi.
Horyaalka Brazil ayaa galay kaalinta toddobaad, halka horyaalka Mexico uu galay kaalinta siddeedaad. Horyaalka Portugal ayaa galay kaalinta sagaalaad, halka horyaalka Netherlands uu soo af-jaray kaalinta tobnaad.
XIGASHO LAACIB.NET
