.

Advertisement

Sida laga soo xigtay Evening Standard, ciyaaryahankii hore ee Napoli iyo Italy Salvatore Bagni ayaa ka sheegay xaalada Osimhen:

“Dhammaan kooxaha isaga la xiriira, aniga ahaan, wuxuu aadi lahaa kaliya Manchester United iyo Real Madrid. Ma xiisaynayo kooxaha kale.”

Osimhen waa weeraryahan heersare ah, isagoo 24 jir ah, wuxuu noqon karaa xalka mustaqbalka fog ee Real Madrid. Nigerian ayaa Napoli ku hogaamiyay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore, waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu Diego Maradona joogay kooxda. Marka loo eego tirakoobka Transfermarkt, weeraryahanka ayaa dhaliyay 31 gool, waxaana uu caawiyay 5 gool 39 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2022/23.

Way adag tahay in la arko Real Madrid oo u dhaqaaqeysa Osimhen xagaagan, iyadoo Napoli aan la fileyn inay ku fasaxdo lacag ka yar 100 milyan euro. Waxay u badan tahay in Los Blancos ay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato Kylian Mbappe ama ay xilli ciyaareed kale sugaan xiddiga ku guuleysta Koobka Adduunka ee Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here