Kismaayo (dayniiile.com)- Eedeysane Xasan C/laahi Cabdi oo bilahaan danbe  maxkamad wajahayay kadib markii uu dilay hooyadiis ayaa maanta ugu danbeyn go’aan laga gaaray sida lagu baahiyay TV-ga Dalsan.

Maxkamada Magaalada Kismaayo ayaa dil toogasho ah maanta ku xukuntay eedeysane Xasan nC/laahi Cabdi markii lagu cadeeyay inuu dilay hooyadiis waliba isagoo miir qaba,islamarkaana qirtay danbigisa.

Advertisement

Maxkamada ayaa cuskatay baaritaan caafimaad oo la marshay in dhaqaatiitu ku cadeeyeen inuu miir qabo kasna u dilay hooyadiis markuu toorey la dhacay dhawaan.

Aayaadaha Quraanka Suuratul Maa’ida iyo Albaqara ayaa loo cuskaday xukunka dilka ah iyo waliba wax lagu sheegay xeerka ciqaabta oo ah dhaqan Soomaali Dowladi diyaarisay.

Xasan C/laahi Cabdi wuxuu ku dhashay Baardheere hase yeeshee wuxuu hada ku sugan yahay Magaalada Kismaayo waana halka uu hooyadiis ku dilay,iyagoo markoodii horana qurbaha iskala yimid.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleProf. Xasan Cumar Mahadala “Dalku malaha Ciidan Sirdoon,Nageeye Khaliif wuxuu qaadan jirey mushaar dheeraad ah”
Next articlemaxay ku saabsaneyn hadakl jeedinta Madaxweyne Xasan ee Shirka Golaha Wasiirada+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here