Muqdisho (dayniiile.com)-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo ansixinta hindiso sharciyeedyo hor yaalay Wasiirada.
Shirkaan oo shir gudoominayay Ra’iisulwasaare Xamze ayay Golaha Wasiirradu isku raaceen in mushaarkooda Bishaan ay ku taageeraan Ciidamada Milatariga ee Dagaalka kula jira Alshabaab.
Af-hayeenka Xukuumada Farxaan Maxames Jimcaale ayaa talaabadaan ku tilmaamay mid taariikhi ah madaama Wasiiradu garteen inay mushaarkooda ku dhiiri-geliyaan Ciidamada.
Shirka Golaha Wasiirrada waxaa sidoo kale lagu ansixiyay dhowr hindise sharciyeed sida diiwaanka zakada , la dagaalanka burcad badeeda,dhismaha adeega saadaashs hawada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM