Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee boqortooyada Ingiriisku la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinta ay cadaaladda iyo garsoorku ku leeyihiin xasiloonida, iyo in deegaannada khawaarijta laga xoreeyay laga hir-geliyo adeegyo cadaaladeed.

Advertisement

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa garab istaagga hagar la’aaneed uga mahad celiyay dowladda ingiriiska oo kamid ah dowladaha kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleMadaxa Atmis oo Muqdisho kula kulmay masuul Dowlada ka tirsan
Next articleNaadiya Maxamed: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here