Waxaa  qormadaan xasuusta ah ka qoray Hussein Sabrie

Waa 12 sano kahor maanta oo kale. Waa subax Khamiis ah. Bisha Jannaayo waa 15, sanadkuna waa 2009. Waxaan qaxooti ku ahay xaafadda Tiida ee degmada Deyniile. Waxaan dhagaysanayaa warka aroornimo ee idaacadda Shabeelle, oo aan subaxaas ka maqlay warkii iigu farxadda badnaa ee aan abid idaacad ka dhagaystay, oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ay xalay ka baxeen Muqdisho, ayna faarujiyeen Isgoyska Florenza, Madaxtooyada Soomaaliya, Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xarunta Guulwadayaasha, Isbitaalkii Digfeer, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo Xeradii Asluubta. Maalin kahorna waxay ka baxeen Warshaddii Baastada, Xeyle Bariise, Miisaanka Dhuxusha, Stadium Muqdisho, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin.

Halhaleel ayaan uga baxay guriga, waxaana ku biiray kumanaan qof oo farxad kala soo firxday Deyniile, si ay u soo arkaan guryihii ay labo sano kahor ka soo qaxeen. Waxaan lug ku imid xarunta Gaashaandhigga. Afhayeenkii Hawlgallada ee Maxkamadaha Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa iridka Gaashaandhigga kula hadlaya dadweynaha iyo saxaafadda, wuxuuna shacabka ugu baaqayaa in ay dulqaataan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka goobaha ay Itoobiyaanku ka baxeen. Warkaas lagama yeelin oo iridkii ayaa la isku buurtay.

Barqadii ayaan ka baxay Gaashaandhigga, waxaana galnay kulyadda Jaalle Siyaad, kadibna waxaan ku soo lugeeyay Waddada Warshadaha, waxaan sii maray Xarunta Guulwadayaasha, waxaana duhurkii soo gaaray garoonka Stadium Muqdisho oo ay buuxdhaafiyeen kumanaan qof. Dad aan ka xusuusto abwaan Abshir Bacadle iyo abwaan Guure ayaa maalinkaas shacabka kula hadlay Isbartiibada.

Waxaan ka baxay Stadium Muqdisho, waxaan sii maray saldhigyadii ay Itoobiyaanka ku lahaayeen Xarunta Xibsiga, Isgoyska Cali Kamiin, Xamar Bile iyo Isgoyska Foloronza. Waxaana tegay gurigeenna oo ku yaalla xaafadda Xararyaalle. Geed Yuhuud iyo Cali Garoob ayaa dariiq kasta xiray. Luuqyadana waxaa ka soo uuraya maydad ku baaray.

Guri kasta waxaa ka muuqdo burburka iyo dhaawacyada ka soo gaaray madaafiicdii iyo rasaastii Itoobiyaanka. Dad aan deris aheyn oo ayaan sanado kadib dib u kulannay. Intii qaxa lagu jiray qoys kasta tiisa ayaa heysatay oo dadku war isku heyn, balse maalinkaas ayaa la is warsaday. Yaa dhintay iyo yaa nool ayaa la is waydiiyay. Hebel iyo heblaayo waa dhinteen. Hebel dhiigbax ayuu u geeriyooday. Qoys hebel waxaa ka nool hebel iyo heblaayo. Hebel dhaawiciisa dalka wax waa looga qaban waayay, oo dibadda ayaa loo qaaday. Heblaayo isbitaal hebel ayay taallaa oo Itoobiyaanka ayaa kufsiwadareed u gaystay. Hebelna meydkiisa ayaa la qaadi waayay, oo eeyo ayaa meel heblaayo ku cunay, ayaa la is yiri.

Warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Reuters maalinkaas qortay waxay ku sheegtay in ay Itoobiyaanku Muqdisho ku dileen 16,000. Ayna barakiciyeen dad hal malyan ka badan. Tirada dhimashadu intaas way ka badneyd oo odayaasha Beelaha Hawiye oo maalin kasta sheegi jiray tirada dhimashadu mareyso waxay markii iigu war dambaysay kor u dhaaftay 28,000.

Kumanaan qof oo ila dareen ah oo maalinkaas ka soo lugeeyay deegaannadii ay u qaxeen ayaa guryahoodii dib u arkaya. Malaha ma jiro qof reer Muqdisho ah oo aan xasuuqii Itoobiya ku waynin qof uu jeclaa iyo qoys xilligaas Muqdisho ku noolaa oo aan qixin, qofna ka dhiman ama ka dhaawacmin.

Si kasta oo Madaxda dalku ay maanta ula saaxiibto Itoobiya, kuna celceliso in aan walaalo nahay, ay ugu saxiixdo dakadaha Soomaaliya, waxaan hubaa in aysan Soomaalidu sidaas ku halmaameyn xasuuqii ay Itoobiya Muqdisho ka gaysatay, inta ay nool yihiin carruurtii ku agoontoobay ama ku rajoobay xasuuqii Itoobiya, waalidkii ku gablamay iyo dadkii ay naafeeyeen.

Maalinkii ay Itoobiya daka ka baxday waxay reer Muqdisho aheyd maalin ciid ah. Waa maalin xus iyo xusuus mudan oo ay tahay in halgan guuleystay iyo xaflado dabbaaldeg ah lagu sunto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here