Riyad (dayniiile.com)-Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Sacuudiga kula shirey   Madaxweynaha dalka Ciraaaq Abdul Latif Rashid.
Labada Dal oo halgan kula jira kooxo Islaamiyiin ah ayaa is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan, sidoo kale waxay isla garteen  iskaashiga dhanka amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.
labada Dal ayaa wajahaya weerar isku nuuc ah iyadoo mid kasta dalkiisa uu ka jio urur diimeedyo dowlada ku kacsan kuwaasoo qaraxyo iyo dilal gaadmo ah inta badan ku carqaladeeya amniga dalka guud ahaan iyo waliba jiritaanka dowladnimo,.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaal shaqo u jooga dalka Sacuduiga kadib markuu ka qeybgalay shirka dalalka Islaamka ayaa lagu wadaa inuu Caasimada Muqdisho ku soo laabto sacadaha soo socda halkaasoo uu ka maqan yahay in ka badan 2 asbuuc.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 8 people, the Oval Office and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here