Gaari dagaal oo ay wateen Ciidamada xasilinta Xamar ee Booliis  Milataariyo ayaa xalay qarax lagula eegtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleeedka Magaalada Muqdisho.

laba askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi mana jirto wax dhimasho ah Sida ay cadeeyeen saraakiisha Ciidamada la weeraray.

Advertisement

Kooxda Alshabaab war ay baraha bulshada ku soo qoreen ayay ku sheegteen masuuliyada weerarkaasi inay iyagu ka danbeeyeen,waxayna tilmaameen inay weerareen ciidamada Boliis Milataariya.

Ciidamadaan xasilinta waxaa aad loogu amaanay sidii ay Xamar Amnigiisa wax badan uga badaleen inkastoo hada loo raray duleedyada Magalada Muqdisho si ay halkaasi xaaladaheeda wax uga qabtan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaamulka Gobolka Hiraan oo sheegay in guud ahaan xaafadaha Baladweyne ay fatahaadu harqisay
Next articleDagaalka Gaza oo yeeshay waji dhaqaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here