Saqdii Dhaxe ee xalay ayaa 2 wiil oo dhalinyaro ah waxaa lagu Dilay xaafada xamar_Jadiid iyadoona dilkaas ay geesteen koox Ku hubeysan Qoryaha Fudud.

Dadka Deegaanka xaafadaas Ayaa inoo sheegay in xalay abaare 2:00 saac Dhalinyaradaas Lagu Toogtay agagaarka Godka biyaha (warta biyaha) iyadoona Sheegay ineey Maqlayeen xiligii Toogashadu Dhaceysay.

Macada ilaa iyo Hada sababta Ka dambeysa Dilka Labadaas Dhalinyaro ee caawa lagu dilay Xaafada Xamar_jadiid Hase ahaatee arrintaan ayaa Qeyb ka Ka Noqoneysa falalka dilalka Naxdinta leh ee ka dhaca magaalada Muqdisho maalmihii  u danbeeyey

Xigasho wariyo Qasaaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here