XIGASHO LAACIB.NET
Chelsea ayaa si cad u dejisay qiimaha Enzo Fernandez, iyadoo sheegtay inaysan ku iibin doonin wax ka yar £130 milyan xagaagan.
Kooxda ayaa weli dooneysa inay cusbooneysiiso heshiiska xiddiga reer Argentina, balse wadahadallada ayaa hakad galay, iyadoo xiisaha ka imaanaya kooxo waaweyn oo Yurub ah, gaar ahaan Real Madrid uu sii kordhayo.
Chelsea waxay ku adkeysaneysaa qiimahan sare maadaama ay bixisay £106.8 milyan markii ay ka soo qaadaneysay xiddiga kooxda Benfica sanadkii 2023, isla markaana Fernandez uu qandaraas kula jiro ilaa 2032, taasoo siinaysa awood weyn oo gorgortan.
Inkasta oo kooxda aysan si firfircoon u rabin inay iibiso, haddana haddii ciyaaryahanku dalbado inuu baxo, waxaa la filayaa in Chelsea ay dalbato lacag ka badan tii ay ku soo iibsatay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Fernandez uu xiiseynayo nolosha Madrid, taasoo sii hurisay hadal haynta ku saabsan mustaqbalkiisa.
Dhanka kale, khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in wali aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo ku saabsan heshiis cusub.
Xilli ciyaareedkan, Fernandez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, isagoo dhaliyay 12 gool isla markaana bixiyay 6 caawin 46 kulan oo uu u saftay Chelsea dhammaan tartamada.
XIGASHO LAACIB.NET
