Dad lama yeesho Dowladana sidaa kuma dhismato

Doorashada Qababacda ah ee ka dhashay Kursi isku dhajinta Madaxda Villa somaliya ayaa laga bixinayaa saadaal hoose oo mala awaal ah.

Dadka soo baxa ama noqda xildhibaan ayaa la leeyahay hebel ayaa wata iyo waa garabka hebel, waa faham iyo saadaal xaqiiqda ka fog, sadaxda Madaxwayne ee isaga dambeeyay Xilka Madaxwaynaha waxay heli waayeen hal ra’isul wasaare oo ay ka xushaan 15ka malyan ee soomaali lagu qiyaaso, makula tahay in masuul soomaaliyeed heli karo ku dhawaad 200 oo xildhibaan oo kalsooni buuxda lagu qabi karo !!

Madaxwaynaha hada talada haya waxa uu raadinayay qof uu ku aamino xilka ra’isul wasaaraha muddo Laba bilood ah, Qofkii uu soo helayna waxay wada shaqayn waayeen muddo bilooyin ah! sidee lagu heli karaa 200 oo xildhibaan ama ku dhawaad ugu yaraan oo codkooda lagu kalsoon yahay ?!

Siyaasadda soomaaliya waxay nabartay in dadka wada socda xiliga doorashada in ay yihiin dadka ugu fudud ee si deg deg ah u kala taga, hadii uusan jirin Mabda” mideeya dadka soomaaliyeed waxa lagu wada socdo wa damac iyo dano gaar ah, taasina waa wax isbadli kara daqiiqad walba.

Xubnihii baarlamaanka ee waqtigooda dhamaaday ee isku dayay muddo kororsiga labada sano, macnaheeda ma ahayn in ay yihiin tageerayaal farmaajo, balse damacooda iyo dantooda gaarka ah ayaa tustay in ay ku gaarayaan taageerada muddo kororsiga.

Falanqeeyayaal badan ayaad arkaysaa iyaga oo cabir hoose ku cabiraya saan saanta doorashada, shalay ayuu hebel ku fikir ahaay ma ahan cabir sax ah oo lagu cabiri karo siyaasadda doorashada dalkaan ee ku dhisan damaca isroga saacad walba,

Waxaan xaqiijin karaa in uusan jirin siyaasi soomalaiyeed ama musharax madaxwayne oo haysta xisaab sax ah xitaa 10% , Xisaabta saxda ah waa tan la heli karo saacadaha kadhiman tartanka doorashada Mada wayne , dadka Sida wayn uga muuqda garbaha musharixiinta madaxwayne xiliyada bilowga doorashada waa kuwa ugu fudud ee kasaan rogta musharaxa ay usoo buraanburi jireen marka ay gaareen dantooda helaana xilkii ay raadinayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here