14October 2017 maalin murugo baddan(Qiso xanuunbadan)

0

14October 2017 maalin murugo baddan.

Maalintaas qadarta Alle ayaa iga baajisay in aan taggo halka xasuuqii ka dhacay oo aan ka mid noqdo dadkaas, waxaan u balan sanaa maalintaa in aan salaadda Casir ku tukado Masjid yar oo ku dhex yaal Hotelka Safaari oo ka soo horjeeda halka qaraxu ka dhacay, guriga qoyskeennu deganaa oo ku yaalay Agagaarka Hotel Towfiif ayaan joogay marka qaraxu dhacayey sariirtii aan saarnaa anigoo hurdaya abaara 3:00 ayaa ila qariirtey dibadeedna Hooyadey oo barandada fadhiday ayaan weydiiyey maxaa dhacay hooyo xageysa ku aadaneyd jugta yeertay? Waxey igu tiri waa Qarax weyn ma na garan karo halka wax ka dhaceen ee maadhow iska joog galabta oo ha bixin.

Aniga markii aan soo toosay waxa kaliya ee aan soo xasuustay waxey ahayd balantii aan rabay in aan tago oo aan ka dib dhacay madaama Salaadii Casir la galay oo Iqaamadii salaada Casirna aan maqlay markii aan soo toosay, si deg deg ah ayaan Musqusha (suuliga) u galay si aan u diyaar garoobo, in ka yar 15 daqiiqo ayaan ku diyaar garoobay waxaana horay u aaday isgoyska oo ii jiray boqolaal Mitir si aan bas uga sii raaco maraya Tarabuunka ilaa soo Soobe, Mini Baskii ayaan raacay dadka oo dhami waxey hadal hayeen qaraxa dhacay in uu ahaa mid xoog badan oo eysan maqal abid, markii aan gaarnay Tarabuunka waxaa indhaheygu qabteen uurra madow ee saaran jawiga oo dhan iyo halkii aan usocday, Mobilka ayaan ka wacay saaxiibkey oo aan ku balanseen Hotelka waxuu ii sheegay in uusan teggin wali hase ahaatee meeshii uu qarax ka dhacay eyna adagtahay in aan tagno.

Intii aan Tarabuunka taagneyn waxaa na la ga horkeenay dhawaacyo farabadan oo la la cararayo, sidookale dad farabadan oo yaacaya ayaa na ga horyimid, jawiga dhami waxuu ahaa mid muruggo, xabbado hal hal ah ayaa dhacayey oo aad moodo in kor loo ridayo mini buska (Caasiga) darawalkiisii ayaa u sheegay rakaabkii in uusan hore usii socon karin isla markiiba waan ka degay waxaan qaatay Bajaaj oo aan ku dhahay Furaat Hotel i geey oo saaxibadey fariisan jireen galbihii markii aan tagay halkaas wadadu wey ka xirneed dhanka Kiilomitir4, dadka oo dhami waxey hadal hayeen Soobbe waxa ka dhacay galabta Qasaare badan waa la ga soo sheegi doonaa.

Waxaan soo xasuustay isla markiiba madaama xasuuq ka dhacay Soobbe ina adeerkey oo xafiis ku lahaa qeybta danbe ee Sarta Soobe Mobilkiisa ayaan wacay waxa uu ii sheegay in uu caafimaad qabo hase ahaate meesha la gu baaba’ay oo xitaa xafiiskoodi dumay uuna ka cararay goobta aadayna xaafadiisa Siinaay, Alle ayaa ku mahadsan ka badbaadiyey walaal ayaan ku irri.

Intii aan joogay Furaat Hotel ayaa la ii sheegay dad badani in ey ku dhinteen Hotelkii aan u socday gebe ahaanna in guryihii ku dhawaa isgoyska ey burbureen oo uu ka mid yahay Hotelkii Safaari qeybihiisi laamiga saarnaa iyo halkii salaadda la gu tukan jiray, Jamaacada waliba dadkii casirka tukanayay ee u badnaayeen dadka ku waxyeeloobay mashaqadaas, maalintaas iyo maalmo badan oo ka horeeyay goobo la qarxiyay oo aan qaarkood qadar daqiiqad ah aan isku seegnay dhacdooyin murrugo leh waxa aan xaqiiqsaday qadarta Alle in aan la baajin karin, waxaan xasuustaa maalintaa dadka ku shahiiday waxaa ka mid ahaa dad ka yimid isla maalintaa dalka Mareekanka oo ehelkooda ugu soo baxay weheshi iyo qaraabo salaan iyagoo wax badan dalka kacmagnaa.

Maalintaas waxii dhcay dadka Soomaaliyeed waxa ey ku iloobeen Dhiibistii Qalbi Dhagax oo loo dhiibay Itoobiya mudda yar ka hor xasuuqaas, oo heysatay hadal heynta bulshada Soomaaliyeed meelkasto ey joogto, waxaase la yaab leh in aan looga faa’iideysan waxii dhacay maalintaas oo ey geysteen argagixisadu sidii loogu midoobi la haa, qorshiihii la ga sugayay dowlada oo ahaa in ey u abaabulaan bulshada sidii Alshhabaab looga xureyn lahaa dalka ma dhicin, waxeyna howshii dowlada ku soo idlaatay la dagaalanka siyaasiyiinta ka arragtida duwan, waxaa ah arrin la la yaabo oo muddan in la darso dhacdooyinka ka dhacay dalka sedexdii sanno ee tagtay gaar ahaan qaraxyada iyo xasaradaha siyaasada waxa isku soo beegay !.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here