0

Gudoonka Aqalka sare waxa uu isugu yeerey shir wada tashi ah oo ay yeeshaan madaxda dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada runtii waa talaabo fiican in wixii is afgaranwaa lagu xaliyo wada hadal iyo gareytan sida lagu yaqaano soomaalida oo dhaqanka iyo soo jireenka u ahaa laakiin waxaa lagama maarmaan in mar walba oo doorasho soo dhawaato in la dhaho dastuurka meel hanalaga dhigo oo xeer jajab iyo xaalumastuur wax halagu xaliyo waxaan xasuusanaa wixii aan soo marney 2011-2012, Haddana waxaan mar labaad xasuusanaa wixii aan soo marney 2016kii iyo shirarkii aan dhamaadka laheen ee lagu wiiqay awooda baarlamaanka federaalka ugu danbeyna ku dhamaadey natiijada ah Xamar xuquuq iyo metelaad yeelan meyso hadii kale dowladda aan dumineynaa sidaasna u madaxweyne Xasan Shiikh ku tanaasulay oo dhumiyey xaquuqdii dadka Xamar hada ku nool oo lagu qiyaaso 4 milyan oo qof .
Maantey waxaa noo dhisan laba aqal oo barlamaan ah oo dastuurki uu si cad u qeexaayo awoodahooda iyo sida ay iskula falgalayaan waxaa haboon in cid walba howsheeda ay qabsato oo ay kasoo baxdo oo aan la isku mashquulin.
Dastuurka KMG ee jamhuuriyadda Soomaaliya kuma jirto meel qoreysa in madaxda dowlad goboleedyada ay talo ku leeyihiin doorashooyinka heer federaal ah. Doorashada mudeynteeda iyo qabashadeeda waxaa u madax banaan guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka qaranka xataa dowladda federaalka doorkeeda waa xadidan yahay maadaama ragga madaxda ka ah naftooda ay noqonayaan musharixiin u tartamaya hogaaminta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Waxaa haboon in Soomaalida ay ku qancaan inaan ku dhaqano dastuurka KMG ah ee aan ku heshiiney laakiin hadii maalin walba la dhinac maro oo qofba waxa la haboon uu sharci ka dhigo way adkaaneysaa inaan ka baxno caqabadaha ka jira.
Dastuurka KMG ayaa si cad u qoraya awoodaha hay’adaha dastuuriga ee dalka marka hay’ad walba haloo dhaafo howsheeda.
Haddii Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo Dr Cabdirisaaq Jurile aysan matali karin Puntland, sidoo kale Senator Fartaag iyo Senator Iftin aysan matali karin Jubaland marka laga hadlaayo masiirka Soomaaliya iyo danta ummadda Soomaaliyeed markaas soo ma haboona in aqalka sare ee qarashka aadka u badan uga baxo ummada soomaaliyeed la baabi’iyo oo lagu bedelo golaha wadatashiga madaxda dowladgoboleedyada iyo dowladda federaalka oo awooda aqalka sare xaga loo bedelo lagana dhigo qodob dastuuri ah meeshana laga saaro aqalka sare ee baarlamaanka.
Labo arin oo is qaadan karta ma aha aqalka sare ee baarlamaanka oo metela dowladgoboleedyada inta laga boodo oo howshiisa la laalo in wada hadalo aan dastuuri aheen ay wada galaan madaxda dowlada federaalka iyo dowladgoboleedyada waana dastuurkii iyo sharcigii oo lagu tuntey sida soomaalida caadada u ahaan jirtey.
Madaxda dowladda federaalka iyo dowladgoboleedyada wey shiri karaan wayna ka wada hadli karaan arimaha nabadgalyada iyo horumarka dalka laakiin waxa shirarkooda kasoo baxa sharci ma noqon karaan maadaama aysan dastuurka ku qorneen meel leh goaanada madaxda federaalka iyo madaxda gobolada waa sharci qasab ah in ummada soomaaliyeed ku dhaqmaan waana sababta ugu weyn oo ay hirgali waayeen dhamaan goaan’anadii hore ay u wada galeen waayo waxay ahaayeen goaano aan dastuuri aheen oo aan soo marin habka sharci dajinta ee uu qoraayo dastuurka KGM ee Soomaaliya.
Doorashooyinka waxaa u madax banaan gudiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal marka waa in dhamaan qeybaha kala duwan ee maamulada dalka iyo dowlada federaalka ay la shaqeeyaan.
Xalkua wuxuu ku jiraa dhamaan madaxda dalka ay ku dhaqmaan dastuurka Soomaalida ku heshiisay.
Wabillahi Towfiiq

Cabdale Xasan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here