Waxaa soo baxaya warar si xooggan u sheegaya in kooxda Alshabaab heleen  tignoolajiyad casri ah oo horumarsan sida diyaaradaha dagaalka nuuca aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada qaadi kara.
Taliska Ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ayaa labaduba walaac ka muujiyay suurtagalnimada in alshabaab adeegsadaan drons-kaasi qaraxyada ay u adeegsan karaan.
Dalalka Geeska Afrika sida Somalia,Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa la soo gaarsiiyay digniin ka timid quburada amaanka Gobolka.
Dalalka geeska Afrika waxaa loogu baaqay inay sida ugu dhaqsiyuaha badan isugu dayaan inay heleen oo soo iibsadaan difaaca cirka madaama ay macquul tahay in Alshabaab adeegsadaan drons-kaasi qatarta ku noqon kara amniga dalalkaani.
Sidoo kale Digniinta waxaa ku jira in kooxda Alshabaab drons-kaani xitaa u adeegsan karaan weeraro toos ah.
Dhanka kale war ka soo baxay Machadka Daraasaadka Ammaanka (ISS) ayaa lagu sheegay in Alshabaab ku carqaladeyn karto Drons-kaani dadaaladii lagu doonayay in lagu nabadeeyo Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
