HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay Dagaalad Iiraan iyo Israa'iil.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalad Iiraan iyo Israa’iil.

Iran ayaa weerar cusub oo gantaallo ah ku qaaday Israa’iil – oo ay ku jiraan Tel Aviv iyo Haifa – oo ay ku dhinteen ugu yaraan saacadood ka dib markii milatariga Israa’iil ay mar kale duqeeyeen caasimadda Iran ee Tehran.

Weerarka iiraan ee saaka waxaa mar kale ay burburiyeen dhismayaashii dhaadheeraa ee Yuhuuda xili shalayna sidaas oo kale guryo badan ay burburiyeen xili waliba qaarkood dad ku hoos jiraan kuwaasoo nolol iyo geeri midna aan lagu hubin.

Iiraan saaka dagaalka waxay ku soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin Yuhuuda taasoo sawiro cadeyn ah warbaahintu soo bandhigtay.Opis fotografije nije dostupan.

Sidoo kale Dowlada Iiraan ayaa saaka baaritaano xoogan waxay ku sameynayaan gaadiidka madaama sirdoon badan ay Tehran u joogaan Yuhuuda kuwaasoo sirta u gudbiya.

Dhimashada weerarrada Israel ee Iran ayaa kor u dhaaftay 220, oo ay ku jiraan 70 haween iyo carruur ah. Madaxii sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran iyo labo jeneraal kale ayaa lagu dilay weerarrada Israel Axadii.

Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaa uga digay dadka degan Tehran inay ” bixin doonaan qiimaha – dhawaana” weerarada aargoosiga ah ee Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in Israa’iil iyo Iran ay “heshis gaari karaan”, balse waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siinayo Israa’iil.

Dhanka kale, dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 55,362 qof, waxaana ku dhaawacmay 128,741, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCEALJAZEERA
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COMSlika može predstavljati 1 osoba

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -