MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa shalay kulan wada yeeshay Gudoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi kuwaasoo warar aan helnay ay sheegayaan in waxyaabaha looga hadlay ay ka mid yihiin caqabadaha u hor gudban fadhiyadii baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xaaladu ku adag tahay islamarkaana mucaaradad badan lagala hor yimid ayaa gurigiisa ugu tagay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyadoo warar ku dhaw dhaw sheegayaan in Aadan Madoobe talo ka rabo Cabdi Xaashi madaama bilihii ugu dambeeyay shirarkii ka qabsoomi la’yihiin xildibaano ku kacsan habka uu gudoomiyaha wax u maamulayo.
Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale caqabad ku ah kooram la’aanta oo shirkii ugu dambeeyay uu u baaqday xili mudanayaasha baarlamaanka qaarna dibadaha iska aadeen qaarna iagoo dalka jooga aaney ka soo qeybgaleyn shirarka.
Kulanka labada masuul waxyaabihii ay sidoo kale ka hadleen waxaa ka mid ahaa xoojinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka, iyo ansixinta shuruucda hor yaal labada aqal inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.
kulankaan oo ku soo aaday xili adag ,waqtiga baarlamaanadaan uu ku jiro sanadkii ugu dambeeyay ,sidoo kale wuxuu ku soo aaday xili khilaafyadu sababeen iska hor keenka gudoonka iyo xildhibaanada tiiyoo ay hada sii dheertahay waqtiga kala guurka ee la galay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM